Shirka Baarlamaanada Islaamka oo Maanta Furmaya

0
329

Shirka 15-aad ee Midawga Baarlamaanada dawladaha Islaamka ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Ouagadougou ee caasimada dalka Burkina Faso ee galbeedka Afrika.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galaya guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi xildhibaanno ah oo uu hogaaminayo kuwaas oo haatanba ku sugan dalka Burkina Faso.

Shirkan oo ay sanadkiiba mar isugu yimaadaan baarlamaanada wadamada ku bahoobey OIC iyo PUIC oo sanad walba lagu qabto mid kamid ah caasimadaha wadamada ururkan xubnaha ka ah waxaa sanadkii hore lagu qabtay magaalada Casablanca ee caasimada dalka Morocco.

Shirkan oo ah mid lagu gorfeeyo laguna difaaco danaha wadamadan ay dadyoowgooda Muslimiinta u badanyihiin waxaa qayb ka ah dhamaan wadama Carbeed, qaar kamid ah wamada Qaaradda Afrika iyo sidoo kale qaar kamid ah wadamada Latin-America, dalalka Turkiga iyo Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here