Tirada Askarta Mareykanka ee uu Dhaawaca Maskaxda Ka soo Gaaray Weerarkii Iiraan oo Korodhay

0
494

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon ayaa sheegtay in tirada askarta ay dhaawacyada dhanka maskaxda ah ka soo gaareen ka dib weerarkii ay Iiraan ku qaaday saldhig uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay sare u kacday taas oo gaadhay 50.

Waxayna taasi micneheedu yahay in 16 askari oo dheeraad ah uu saameyn ku yeeshay weerarkii 8-ddii bishaan Janaayo Iran ku qaadday xeradii ay ciidamadaasi ka daganaayeen Ciraaq.

Madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in uusan jirin askar wax ku noqotay weerarkaasi dhacay 8 January, islamarkaana weerar ay Iiraan kaga aargoosanaysay dilkii ay Mareykanka dileen Janaraal Qaasim Suleymaani.

Warbixin Talaadadii la shaaciyay ayuu afhayenka Pentagon-ka Lt Col Thomas Campbell ku sheegay in 31 askari lagu daweeyay gudaha dalka Ciraaq ayna dib ugu soo laabteen shaqadooda.

”18 kale ayaa waxaa loo diray Jarmalka si ay daweyn u helaan, halka qaar kalana oo loo diray Kuweeyt ay iyagana dib ugu soo laabteen shaqada.

Mar toddobaadkii hore madaxwayne Trump oo ku sugnaa magaalada Davos, ee Switzerland, wax laga waydiiyay arrintan ayaa waxaa uu yiri “waan maqlay in askartaasi madaxa xanuunayo iyo waxyaabo kale, balse waxaan idin sheegi karaa ma aha mid halis ah.”

Jimcihi, ayaa waaxda gaashaandhiga ee Mareykanka afhayeen u hadlay Jonathan Hoffman waxa uu wariyayaasha u sheegay in 8 ka mid ah askarta ay arrintan saameysay Mareykanka dib loogu soo celiyay si loo daaweeyo.

Pentagon-ka ayaa sheegay ineysan jirin askar Mareykan ah oo lagu dilay weerarkaasi, sabatoo ah waxay ku dhuunteen gaabyada difaaca milatariga.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa markii hore shaaciysay in 34 askari uu dhaawacyo dhanka maskaxda ah ka soo gaaray ka dib weerarka Iran.

Mr Hoffman ayaa xusay in wasiirka gaashaandhiga Mareykanka Mark Esper dhowr maalmood ka dib lagu wargaliyay dhaawaca maskaxeed ee askartan soo gaaray.

Mareykanka ayaa waxaa dalka Ciraaq ka jooga askar ay tiradoodu gaarayso 5000 oo askari.

Jimcihii tobanaan kun oo reer Ciraaq ah ayaa waxay ku dibadbaxeen waddooyinka magaala Baqdaad kuwaasi oo ka soo horjeeda ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan dalkooda.

Dhinaca kale baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa ku baaqay in dhammaan ciidamada ajaanibta ah ay Ciraaq isaga huleelaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here