Museveni oo sheegya in uu ka fiirsanayo baaqa Netanyahu ee ah in uu safaarad ka furto Qudus

0
437

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo codsi uga yimid Israa’iil oo ah in Uganda ay safaarad ka furato magaalada Quddus.

Arrintani ayaa ka dambeysay kaddib markii magaalada Kampala ay ku kulmeen madaxweynaha Uganda iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

“Waxaad safaarad ka fureynsaa Quddus, aniga safaarad ayaa ka furanayaa Kampala, waxaan ku rajo wenahay in arrintan aan ku dhaqaaqno mustaqbalka dhaw” ayuu yiri ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Museveni ayaa ugu jawaabay “Arrintaas wan ka shaqeyneynaa, waana ka fiirsaneynaa”

Mareykanka iyo Guatemala ayaa safaarado ka furtay magaalada Quddus ee uu guumaysiga Yuhuuda doonayo in uu caasimad ka dhigto talaabadan oo ay cambaareeyen Falastiin iyo dalal kale oo Muslim ah oo uu Turkiga kamid yahay.

Qorshaha nabadeynta Trump ee Bariga Dhexe kaas oo uu dhawaan shaaca ka qaaday ayuu ku sheegay in Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Hogaamiyeyaasha Falastiin, dalalka Jaamacadda Carbeed, ururka dalalka Muslinka ah, Qaramada midoobay iyo Midawga Yurub ayaa ilaa haatan gabi ahaanba cambaareeyay oo ku gacan saydhay qorshahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here