JCCI oo 9 gool kula tumatay kooxda JBC + SAWIRRO

0
568

Kooxda kubadda cagta JCCI ayaa maanta guul wayn ka gaartay ciyaar xiiso badan oo ka tirsan kulamada isbuuca labaad ee hor yaalka kubadda cagta Jubbaland taas oo ay foodda isku dareen kooxda JBC.

JCII ayaa 9-2 kaga badisay kooxda JBC kulan noqday kii u goolasha badnaa xilli ciyaareedka sanadkan ee horyaalka kubadda cagta Jubbaland ilaa haatan.
JCCI waxaa guushanuu xaqiijiyay kabtankeeda Aadan Kanu oo laba gool dhaliyay, weraryahanka Axmeey oo isaguna markiisii labaad xilli ciyaareedkan saddex gool hal ciyaar ku dhaliyay.

Waxaa sidoo kale kulankan JCCI Saddex gool ka dhaliyay ciyaaryahanki hore kooxda JBC Makaleele oo galabta ka hor yimid kooxdiisii hore halka goolkii u dambeeyay ee ciyaarta uu ku fara yaraystay ciyaaryahanka khadka dhexe ee lagu magacaabo Cusmaan Xiirey.

Kooxda JCCI ayaa haatan ku naaloonaysa hogaanka horyaalka Jubbaland oo ay ku hogaaminayso 6 dhibcood iyo 10 gool halka kooxda JBC ay haysato kaliya 1 dhibic oo ay ka heshay barbar dhac ay la gashay kooxda Majengo.

Ugu danbaynti kulankan ayaa ku dhamaaday 9-2 oo ay kooxda JCCI guusha ku raacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here