Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo sheegay in dowladda dhexe ee soomaaliya ay fashilantay

0
557

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay ku fashilantay Waxyaabihii loo idmaday.

Waxaa uu sheegay in Saddex sano oo Farmaajo uu ahaa Madaxweynaha dalka dhammaan ay istaageen shaqooyinka muhiimka ahaa ee bulshadda, Amniga iyo xiriirka maamulada dalka ka jira.

Waxaa uu sheegay in Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay Xukuumadda Soomaaliya ay ku fashilintay qodobo ay ka mid yihiin:

Dhismaha Ciidamo Qaran oo hanta amniga guud ee dalka, AMISOM na kala wareega meelaha ay Soomaaliya ka joogaan.

Wadahadal dhab ah oo aanan lala gelin Soomaaliland taas oo caqabad ku ah midnimada dalka.

Siyaasada  arimaha dibadda oo aan  fadhin , waxana ay ka dhammaan weyday shir seddex geesood ay ku sheegtay Itoobiya Iyo Ereteria.

Dhammeystirka Dastuur oo aas aaska u ah dowladnimada.

Qorsho Amni oo dowladda Federaalka Iyo Maamul goboleedyada ay iska kaashadaa sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa guud aaan dalka.

Dowladda ma aysan sameynin dib u heshiiin guud oo dalka ka hirgasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here