Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo tababar u furtay Dhakhaatiir Caafimaad

1
534

Tababarkaan oo ujeedadiisu ahayd in dadka laga wacyigeliyo cudurka qaaxada ayaa waxaa loo qabtay dhaqaatiirta ka howlgasha xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay iyo xarumaha hooyada iyo dhallaanka.

Waxaan tabar inta uu socdo Dhaqaatiirta uga faa’iideysan doonaan wacyi galinta xanuunka qaaxada, waxaana dadka loogu sheegaya sida lagu qaado cudurka iyo sida looga hortegi karo.

Wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa u asteeysay goobo gaar ah oo loogu sameeyo wacyigelin laguna siiyo talooyinka ay u baahan yihiin.

Madaxa TBdda ee wasaarada caafimaadka Jubbaland Cabdullahi Aadan Xasan ayaa ka hadlay faa’iidada uu tababarkaan u leeyahay howladeenada caafimaadka.

Gudomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed ayaa dhakhaatiirta kula dardaarmay in ay bulshada ka wacyigaliyaan xanuunka TB-da.


Wasiirka caafimaad Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif oo tababarka furay ayaa Dhakhaatiirta faray in ay ka faa’iideystaan, wuxuuna caddeeyey in Wasaaraddu ay ku dadaaleyso la-dagaalanka iyo ciribtirka xanuunka Qaaxada.

Cudurka Qaaxada ama TB-da oo kamid ah xanuunada laga soo kabto haddii si sax ah loo qaato daawadiisa, waxaana sanad kasta gudaha dalkeenna ugu geeriyooda dad badan.

1 COMMENT

  1. Masha allah waaa hool loo bahnaaa in waxa lagaqabto bulshadana laga wacya galiyaaa wan so dhaweynaaa waaan hool wangsan wazarada cafimadka iyo hayadah kula hoolan rintaaan waxan leeyahay hori u socoda alle ha idiinla gar galo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here