Dowladda Federaalka oo gaadiid ku wareejisay Jubbaland

0
785

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa labo baabur oo loogu tala galay kormeerada dugsiyada iyo ka qeyb qaadashada horumarinta waxbarashada ku wareejisay wasaaradda waxabarashada Jubbaland baabuurtan ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen 11 baabuur oo ay ku deeqay mashruuca “Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada” (Global Partnership for Education).

Agaasimaha xiriirka gobalada iyo ghay’adaha ee Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare mudane Cabdinur Axmed Jaamac ayaa ku wareejiyay wasaaradda waxbarshada Jubbaland baabuurta waxaana ka gudoomay wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka waxabarshadda Jubbalanad mudane Axmad Cabdirisaaq.

Agaasimaha xiriirka gobalada iyo hay’adaha ee wasaaradda waxbarashada Cabdinur ayaa sheegay in baabuurtaan ahmiyad ay u leedahay horumarinta waxbarashada dalka isla markan waxa ay qeyb muhiim ah ka qaadan daba-galka iyo kormeerka waxbarshada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada maamulka Jubaland Axmad Cabdirisaq Maxamad ayaa bogaadiyay mashruuca GPE iyo sida bahda waxbarshda ay mar walba garab taagan yihiin hawlaha waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here