Maraykanka iyo Taliban oo la filayo in ay heshiis nabadeed wada saxiixdaan

0
356

Dawladda Maraykanka iyo kooxda Taliban ee dalka Afghanistan ayaa la filayaa in ay Sabtida manta ah magaalada Doha ee dalka Qadar ku wada saxiixdaan heshiis nabadeed kadib heshiis hor dhac ah oo ay isbuucii tagay ku galeen in la hakiyo dagaalka labadan dhinac u dhexeeya.

Heshiiskan ayaa ka dambeeya wadahadallo mudo 2 sano ah ka socday dalka Qatar waxaana la filayaa in heshiiskan uu wadada u xaadho wadahadallo u dhexeeya Taliban iyo xukuumadda Afghanistan ee ay taageeraan dalalka reer galbeed.

Khubarada sida dhaw ula socda arrimaha dalka ayaa sheegaya in culayska dhabta ah uu yahay in la heshiisiiyo siyaasiyiinta Afghanistan maadaama ay Taliban mar walba sheegaan in aysan diyaar u ahayn in ay wada xaajood la sameeyaan xukuumadda uu hogaamiyo Ashraf Ghani.

Heshiiskan wuxuu marka qalinka lagu duugo so oaf jari doonaa dagaalkii u dheeraa ee uu Maraykanku galo abid kaas oo soo socday muddo 18 sano ah.

Kooxda Taliban waxay wadahadalladan u aragtaa in ay yihiin guul u soo hoyatay hasayeeshee falanqeeyeyaasha sdia dhaw ula socday wadahadalladan ayaa sheegay in dhinac walba oo kamid ah dhinacyadii wadahadalladan qaybta ka ahaa ay sameeyeen tanaasulaadyo dhab ah oo la taaban karo.

Maraykanku wuxuu ballan qaaday in uu ciidamadiisa kala baxo dalka Afghanistan halka kooxda Talibanna ay ballan qaaday in aysan carriga Pakistan u adeegsanin in ay weerarro ka dhan ah danaha Maraykanka ku abaabusho.

Wali ma cada wadada uu qaadi doono geedi socodka nabadayn ee Afghanistan iyada oo uu wali taaganyaay khilaafka ka dhashay doorashooyinkii madaxtinimo ee isbuucii tagay lagu qabtay dalkaas oo madaxwaynaha talada dalka haya, Ashraf Ghani iyo siyaasi Abdullah Abdullah uu mid walba sheegtay in uu isagu ku guulaystay.

Ghani iyo Abdullah ayaa mid walba qorshaynayay in uu iskii isu dhaariyo hasayeeshee waa ay hakiyeen qorshayawgan kadib markii ay xukuumadda Maraykanka kula talisay in talaabadan ay curyaamin karto saxiixitaanka heshiiskan nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here