Maraykanka oo sheegay in uu duqayn ka gaystay Kuunyo Barrow

0
487

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn ay maalinnimadii shalay ahayd duqayn hor leh ay ka gaysteen degaanka Kuunyo Baroow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in duqayntan oo lala beegsaday saldhig ay argagixisada Al Shabaab leeyihiin lagu dilay xubin ka tirsan kooxdan argagixisada ah.

Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in duqayntan oo ay garab ka siiyeen ciidanka gaarka ah ee Kummaandooska Soomaaliya in aan ruux shacab ah lagu wax yeelayn maadaama bartilmaameedka uu ahaa mid qorshaysan.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqaymaha ay la beegsanayaan saldhigyada ay Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka.

Al Shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya halkaas oo gaadiid lagaga gubay saraakiilna lagaga dilay duqaymo kala duwan oo ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here