Madaxwaynaha Jubbaland oo beesha caalamka ugu baaqay in ay ka fiirsato taakulada ay u fidinayso xukuumadda federaalka kalana xisaabtanto

0
670

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay ka fiirsato nooca uu yahay gargaarka ay u fidinayso xukuumadda federaalka dalka isla markaana kala xisaabtanto sida loo adeegsanayo lacagaha iyo taakulaynta kale ee ay xukuumadda dalka siinayaan.

Madaxwayanaha ayaa sheegay in madaxda haatan dalka hogaaminaya ay aan lagu aamini karin mu’asasaadka dawliga ah iyo khayraadka dalka maadaama ay si aan haboonayn u adeegsanayso hantida qaran ee maamulkeeda loo idmaday.

Madaxwaynaha ayaa ka war bixiyay isku dayyo dhawr ah oo ay madaxda federaalka dalka damceen in ay ku laaluushaan si uu uga tanaasulo mabaadii’diisa siyaasadeed eek u aadan hogaanka dalka arrinkanna ay cadayn u tahay ku takri falka lacagaha dadwayne.

“Ciidaankii qaranka waa laga mashquuliyay dagaalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab waxaana loo jeediyay in lagula dagaalamo dawlad goboleedyada. Gacan ku haynta hawada dalka sidoo kale waa ay ku takri fashay xukuumaddu oo shacab Soomaaliyeed ayay go’doomisay. Sidee dawlada sidaa u dhaqmaysa loogu aamini karaa hogaanka dalka iyo maaraynta lkhayraadkiisa?” ayuu madaxwaynuhu ku daray hadalkiisa.

Madaxwaynaha oo si gaar ah u carrabaabay dalalka Turkiga, Qadar iyo Itoobiya ayaa beesha caalamka uga digay in aysan qayb ka noqonin xad gudubyada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed iyo fawdada ay madaxda xukuumadda federaalka dalka u horseedayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here