Muddo intee la eg ayay dadka uu Coronavirus ku dhaco ku qaadan kartaa in ay ka caafimaadaan?

0
809

In ka badan 1.1 milyan oo ruux oo ku sugan daafaha caalamka ayaa ilaa haatan ka bogsaday xanuunka COVID-19 ee uu sababo fayriska Coronavirus.

Waxaa hasayeeshee kala duwan mudada ay qaadato in uu ruuxa uu xanuunkan ku dhaco kaga soo kabsan karo ama kaga bogsan karo.

Inta badan dadka waxa uu cudurka ugu dhacaa qaab sahlan oo calaamadaha ka soo muuqda ay sahlanyihiin isla markana uusan u baahan dhakhtar iyo isbataal.

Ruuxa uu sida daran u haleelo xanuunkan in uu ka soo kabto waxay qaadataa in ka badan 1 sano.

Isticmaalka sigaarka, cabbidda khamriga, jimicsiga iyo in uu qofka miisaankiisu aad u kordho ayaa kamid ah waxyaabaha ruuxa halista u galin kara xanuunkan dhakhaatiirtuna ay ku taliyaan in la iska ilaaliyo.

Dadka uu xanuunkan u haleelo qaabka sahlan waxaa ay iska joogi karaan guryaha waxayna qaadan kartaa in ay ka bogsadaan toddobaad iyo ka badan.

Balse toddobaad ka dib marka calaamadaha cudurka ay hoos u dhacaan waa iska caado in toddobaadyo uu sii qufaco.

Waxaa sidoo kale jirta in dadka qaar marka ay cudurka ka soo kabsadaan ay wali dareemaan daal iyo caajis xad dhaaf ah.

Dadka noocaas ah waxay u baahan yihiin in ay nastaan, ay cunaan cunto isu dheelitiran isla markaana ay cabidda biyaha badsadan.

Dadka uu cudurka sida daran u haleelay ee isbataalada la dhigay isla markana u baahdan in lagu xiro qalabka neefsashada waxaa marka ay cudurka ka soo kabsadaan wali dareemayaan tabar darro iyo neefsashada oo dhibta.

Dadka noocan ah waxay qaadan kartaa in ay xanuunkan si buuxda uga soo kabsadaan inta u dhaxaysa 2 toddobaad ilaa 8 toddobaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here