Dab xooggan oo qabsaday dhul-beereedka deegaanka Wisil

0
390

Maamulka Deegaanka Wisil ee Gobolka mudug ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dab xooggan oo qabsaday dhul-beereed badan oo ku yaallaa deegaankaas.

Wararka laga helayo Deegaankaasi ayaa sheegaya in ku dhawaad 20 beerood ay gubteen Xoolana waa ku dhinteen, sida ay warbaahinta u sheegeen maamulka wisil kadib markii uu dab xooggan ka dhashay deegaanka Maraadheere oo kamid ah deegaanada Hobyo hoos yimaada.

Guddoomiyaha deegaanka Wisil Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa baaq u diray hay’adaha, dawladda Somalia iyo dawlad goboleedka Galmudug in ay ka jawaabaan dhibaatada hantiyadeed ee soo gaaray muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku dhaqan deegaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here