Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland oo xarigga ka jaray xarunta hay’adda Tayodhowrka Jubbaland

0
170

Munaasabadan xarig jarka ah ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid, masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad goboleedka Jubbaland, Senataro iyo Xildhibaano katirsan golaha maamulada Hoose iyo ganacsato ayaa xarigga looga jaray xarunta hay’adda Tayodhowrka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Hay’adda Tayodhawrka ayaa ka shaqayn doonta hubinta tayada cuntada iyo dhammaan badeecaha dalka la keeno, waxayna la dagaalami doontaa waxyaabaha dhacay ee dalka lasoo geliyo,


Guddoomiyaha rugta ganacsga iyo wershedaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa sharaxaad ka bixiyey xarunta iyo qaabka ay u shaqayn doonto.

Gudomiyaha maamulka Gobalka Jubbada Hoose C/rashiid C/laahi Cali Gooni oo kamid ahaa masuuliyiintii ka qayb gashay munaasabadda xarig jarka ah ayaa ammaanay shaqada ay qaban doonto xarunta.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha Dowlad goboleedka Jubbaland C/nuur Cali Aadan ayaa sheegay in hirgelinta xaruntaan looga gol leeyahay ilaalinta bedqabka iyo tayada waxyaabaha dalka la keeno ee laga keeno bannaanka.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dawlad Gobaledka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo xarunta hay’adda tayodhowrka Jubbaland si rasmi ah xarigga uga jaray ayaa sheegay in marka ay shaqo bilowdo xaruntaan ay deegaanada Jubbaland ka ciribtiri doonto badeecooyinka dhacay iyo kuwa tayadoodu xumaatay ee dalka lasoo geliyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here