Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo magaalada Kismaayo ka daah furtay xarunta cusub ee hay’adda dhulka Jubbaland

0
150

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Dowlaha hoose ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta xarigga ka jartay xarun cusub oo ay ku shaqeyn doonto Hay’adda dhulka Jubbaland.

Dhismaha xaruntan cusub oo ay iska kaashadeen Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland iyo Hay’adda IOM ayaa ka kooban xafiisyo qalabeysan, waxaana ay wasaaraddu ku wareejisay maamulka degmada Kismaayo.

Munaasabad kooban oo xaruntan cusub xarigga looga jaraayey ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimeyaasha Wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo howlaha guud ee Jubbaland, Guddoomiyaha maamulka degmada Kismaayo iyo masuuliyiin kale.

Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland ayaa Aadan Faarax Gaarane faahfaahin ka bixiyey dhismaha xaruntan cusub iyo qaybaha uu ka kooban yahay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo Jilic ayaa wasaaradda kala wareegay xaruntan cusub oo ay ku shaqeyn doonto hay’adda dhulka Jubbaland oo hoos tagta degmada Kismaayo.

Xoghayaha hay’adda dhulka Jubbaland Xassan Cabdulahi Cumar ayaa sheegay in xaruntan cusub ay qayb muhiim ah ka qaadan doonto dardargelinta howlaha ay hay’addu u hayso bulshada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here