Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo dib u eegis ku samayneysa qorshaha horumarinta ee wasaaradaha Jubbaland

0
128

Wasaaradda qorshaynta Jubbalan oo muddooyinkaan waday dardargelinta qorshaha horumarinta Jubbaland ayaa dejisay qorshe lagu hormarinayo shaqadahay’adaha Dowlad goboleedka Jubbaland Maalmihii lasoo dhaafay wasaaradda ayaa booqanaysay xarumaha wasaaradaha Jubbaland, booqashada ayaa salka ku haysa sidii dib loogu cusbooneysiin lahaa qorshaha horumarinta maadaama uu wakhtigiisu dhamaaday qorshii hore ee 2017-2021, qorshaha cusub ayaa ku taariikheysan 2021-2024.

Wasaradaha qorsheynta Jubbaland oo horay u booqatay ilaa lix wasaradood ookamid ah wasaaradaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxaykormeertay wasaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Jubbaland.

Agaasimaha wasaaradda ayaa halkaasi kula kulmay Agaasimaha wasaaraddadhalinyaradda iyo ciyaaraha Jubbaland iyo qaar kamid ah hawlwadeenaddawasaraadda Waxay ka wada hadleen caqabadaha jira iyo waxyaalaha loo baahanyahay in la dardargaliyo waxayna isla soo qaadeen caawinta dadka danyarta ah, dood iyo wada hadal dheer ka dib waxay isla qaateen dhaqangelinta qorshayaashaasi.

Markuu kulanka soo dhammaaday waxa warbaahinta u faahfaahiyay Agaasimahawasaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.

Intaasi kadib, Agaasimaha wasarada qorsheynta Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane ayaa waxa uu xafiiskiisa kulan kula qatay ilaa 10 Agaasime oo ka socday wasaaradaha Jubbaland ee khuseeyo mashruuca horumarinta loo dhan yahay oo ah masghruuc muddo soo socday.

Gabagabdii waxaa mashruuca iyo waxa uu ku saabsan yahay ka warbixiyay Agaasimaha guud ee wasarada qorsheynta Jubbaland Cabdiwaaxid Maxamed dhaqane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here