Taliye cusub oo loo soo magacaabay ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya

0
169

Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Gen. Tigabu Yilma oo ka soo jeeday dalka Itoobiya waxaana xilkan loo soo magacaabay taliye cusub oo xilkan buuxinaya.

War kasoo baxay Hawlgalka Midawga Afrika ayaa lagu shaaciyay in taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM Soomaaliya uu noqonayo Lieutenant General Diomede Ndegeya oo dhalashadiisu tahay Burundi.

Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM Soomaaliya Gen. Tigabu Yilma oo xilkaan loo magacaabay bishii Janaayo 2019 ayaa la filayaa in uu dhawaan xilka ku wareejiyo taliyaha cusub ee xilka kala wareegaya.

Ciidammada Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa taageero dhinaca amniga ah siiya ciidamada dawladda Soomaaliya waxaana ciidamadan ay isugu jiraan askar u dhalatay dalalka Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here