Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta xilka lagu wareejinayo

0
719

Waxaa maanta oo Axad ah la filayaa in uu si rasmi ah xilka ula wareego Ra’iisul Wasaaraha cusub ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Farmaajo, lana siiyay Codka kalsoonida ah.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa la shaaciyay in uu xilka kala wareegi doono mudane Mahdi Guuleed Maxamed Khadar, kaas oo xilka hayay muddo 2 bilood ah.

Golaha Wasiirada ee xilka sii-haya ayaa xalay waxaa loo diray farriimo lagu wargeliyay in ay maanta ay dhici doonto munaasabadda xil wareejinta isla markaana laga doonayo in ay ka soo qeyb galaan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa warqad u diray Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna ku wargeliyay in uu diyaar u yahay in uu xilka ku wareejiyo, isla markaana uu siin doono warbixin guud oo ku aadan hadalka ay marayaa dhaqan gelinta howlaha waaweyn ee qeybta ka ah dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Warqada uu Kheyre u qoray Rooble ayaa waxaa uu ku sheegay inuu doonayo in laga fogaado wax kasta oo dib u dhac u keeni kara dadaaladii loogu jiray horumarinta dalka Soomaaliya, muddadii uu xilka haayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here