Wasaaradda Arrimaha Gudaha jubbaland oo qalab loga hortago {Covid19} gaarsiisay Dhoobley

0
183

Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa agab caafimaad oo kala duwan islamarkaana looga hortagayo xanuunka Karoona Faris {Covid19}  waxa ay gaarsiisay Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose.

Agabkaan oo isugu jiray  daawooyin looga hortaga cudurka safmarka ayaa waxaa kala wareegay Maamulka Cafimaadka Magaalada Dhoobley, waxaana ay bogadiyeen dadaalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad GoboleedKa Jubbaland ugu jirto arrimaha caafimaadka

Sido kale Maamulka Caafimaadka Magaalada Dhoobley ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ka hortaga Xanuunka Caabuqa Covid19.

Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ayaa dadaal xooggan galineyso sidii loo xakameyn lahaa caabuqa adduunka uu sida xoogan ula dagaalamayo ee covid-19. Deegaano iyo dagmooyin hoos yimaado Jubbaland ayay Wasaarada markasta gaar sisaa agabyo kala duwan oo looga hortagayo Korona fayris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here