Wasaaradda Haweenka oo Kismaayo ku so gabagabeesay kulan loga hortagayo xadgudubyada jinsiga

0
216

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu so gabagabeeyay  kulan wadatashi ah oo bulshda looga wacya galinayo xadgudubyada ka dhanka ah jinsiga.

Kulankaan waxa soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Iinsaanka dawlad gobaleedka Jubbaland.

Isu-imaatinkaan oo ahaa mid lagu wacyigalinayay bulshada islamarkaana socday sedexdii maalin ee ugu danbeysa ayaa Waxa  lagu gorfeeyay Hindisa Sharciyeed cusub waxaana ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, Saraakiil ka tirsan Booliska Jubbaland, wakiilo ka socday hay’adaha caalamiga iyo qaar kamid ah howlwadeenada Wasaaradaha Jubbaland.

Mudadii uu socday kulankaan ayaa waxa bulshadii ka qayb gashay iyo Mas’uuliyiintii ay isla gorfeenayeen wax yaabaha loo bahan yahay in laga saaro hindisa sharciyeedkaan islamrkaana ka hor imaanayo diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan.

lataliyaha arrimaha sharcigga Wasaradda Haweenka  Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland Garyaqaan Cismaciil Xasan Weheliye oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in bulshada ay wax badan ka fahmeen sharcigaan iyo u jeedadiisa.

Sido kale Lataliyaha ayaa bulshada ku booriyay inay ilaaliyaan sharcigga iyo ku xadgudbida xuquuqda aadanaha.

Wasaarada Haweenka Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Iinsaanka Jubbaland ayaa mudooyinkii danbe ku howlaneed helidda sharci sax ah oo kala xakameenayo bulshada ismarkaana qofka siinayo xuquuqda uu leyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here