Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland oo daah furay Adeeg casri ah oo Ganacsatada u fududeenayo inay iska diwaan galiyaan

0
451

Wasaradda Maaliyadda Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa maanta Magalada Kismayo ka daah-furtay adeeg cusub oo lagu Magacabo Som Sad kaas oo Ganacsatada u fududeenayo inay isku diiwaan galiyaan xiliga Badeecada ay uso dagayso iyo marka ay dhoofinayaan.

Adegaan Som Sad ayaa Ganacsatada iska diiwaan galinayaan qaab online ah iyaga oo joogo xarumahooda Ganacsiga islamarkaana Wasaarada Ganacsiga iyo Wasaarada Maaliyada ay u fududayn doonto inay helaan xogta Ganacsatada iyo Badeecada ay la so dagayaan iyo kuwa ay dhoofinayaan.

Munaasibadda lagu daah furayay barnaamijkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku Xigeenka Wasaradda Maaliyadda Jubbaland Saleebaan Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Wasaradda Ganacsigga Jubaland Ayaanle Xuseen Maxamed, Agaasimaha wasaradda Qorsheynta Cabdi Waaxid Maxamed Dhaqane Gadoomiye ku Xigeenka Rugta Ganacsigga Jubbaland iyo qaar kamida Ganacsatada Magaalada Kismaayo.

Agaasimaha Wasaradda Ganacsigga Jubaland Ayaanle Xuseen Maxamed oo furay Munaasibadda ayaa sheeay in adeegaan uu sahlayo in la helo xogta Ganacsatada.

“Mudo waxa ku dhibaneen helida xogta Ganacsatada marka ay wax laso dagayaan iyo marka ay dhoofinayaan” ayu yiri Agaasime Ayaanle.

Wasiir ku Xigeenka Wasaradda Maaliyadda Jubbaland Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa isagana dhankiisa sheegay in adeegaan uu wax badan fududeen doono.

Ganacsatadii kasoo qayb gashay munaasabada daah-furka ayaa inta uu socday barnaamijkaan loogu soo bandhigay muqalo iyo qoraalo ka turjumaya Habka ay u isticmaali doonaan adeegaan Som Sad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here