Madaxweyanaha Koonfur Galbeed oo diiday in uu wax ka badal ku sameeyo gudiyadii doorashada ee dhawaan magacaabay.

0
191

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) uu si rasmi ah u difaacay Guddigii doorashada ee uu soo magacaabay, isagoona sheegay in maamulkiisa ahaa kii u horreeyay ee soo magacaabay Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed.

Madaxweyne C/casiis Lafta Gareen ayaa si kulul u weeraray Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka hor-yimid Guddigii uu soo magacaabay, waxaana uu sheegay in cid kasta oo reer Koofur gableed ah ay taageersan yihiin wixii ay sameeyeen.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Waxaa uu sheegay in Musharaxiinta eedeymaha u soo jeediyay inay inta meel fariistaan ay dib u eegaan wixii ay horay u soo sameeyeen sida uu yiri.

“Dadka shiraya ee diiddan Guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan waxa wanaagsan ee aan samaynayno dib ha u fiiriyaan waxay hore usoo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad hore u soo sameyseen”ayuu yiri C/casiis Lafta Gareen.

Sidoo kale Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ka codsaday dowlad gobaleedyada  Puntland iyo Jubbaland inay soo magacaabaan Guddiga ku dhiman, si shaqada u bilaabato, isla markaana aan la gelin firaaq siyaasadeed.

Todobaad gudihiisa ayay ahayd markii Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya qoraal ay soo saareen waxay madaxda Koofur Galbeed ugu baaqeen inay xubnaha Guddiga doorashada ay soo magacaabeen ka saaraan shaqaalaha rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here