DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

0
110

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa sheegaya in Qarax xooggan oo jugtiisa si weyn looga maqlayay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho uu ka dhacay isgoyska Fagax iyo wadada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan dagmada Kaaraan ee gobalka Banaadir.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay lala eegto ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay Waddada sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Ciidamada Amisom ee qaraxa lala eegtay ayaa Kaddib Qarax furay rasaas xooggan, Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan iyo rasaasta ay fureen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here