Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo maanta xarigga ka jaray Xarunta Maxkamadda darajada 1-aad gaar ahaan qaybta arrimaha dhulalka

0
120

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Maxkamada darajada 1aad ee Jubbaland gaar ahaan qaybta arrimaha dhulka.

Madaxweyne kuxigeenka oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa kormeer kusoo sameeyey qaybaha ay ka koobantahay Maxkamadda.

Intaasi kadib Madaxweyne kuxigeenka ayaa kulan la qaatay Gudoonka Maxkamada sare ee Jubbaland, iyo garsoorayaasha cusub ee Maxkamadda gaar ahaana qaybta arrimaha dhulka, iyadoo kulanka ay ka qaybgaleen Xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubbaland iyo maamulka hay’adda dhulka Jubbaland, waxaana halkaasi lagu dhaariyey Garsoorayaasha cusub ee Maxkamada.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Jubbaland C/shakuur Sheekh Maxamed Rashiid ayaa faahfaahin ka bixiyey Garsoorayaasha la dhaariyey sida ay u shaqeyn doonaan.

“Mudane Madaxwayne waxa sharaf noo ah ina ku hor keeno sida amar kii horeba ku bixisay in la helo Mxakamad ka shaqaysa qaybta arimaha dhulka Guddiga Garsoorka dadaal dheer ka dib waxa keenay Garsoorayaal ka shaqayn doono arimaha dhulka”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo Maxkamad u gaar ah arrimaha dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here