Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb.

0
115

Mudane Maxamed Xuseen Rooble  Ra’iisal wasaaraha xukumadda fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maanta booqasho ku tago magaalada Dhusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wafdi hordhac u ah ra’isul wasaaraha dalka ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada dhuusamareeb, waxaana la filayaa inuu saakay ka soo ambo baxo magaalada Garoowe oo maalmahaan ku sugnaa.

Wasiirka koowaad ee xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la fuliyo inay dhacaan bilawga sanad cusub ee 2021,

Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa hore u tagay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Koonfur galbeed, wuxuuna madaxadweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) kala hadlay arrimaha doorashooyinka sidoo kale maalmahaan ayuu magaalada Garoowe u joogay inuu madaxda Puntland kala hadlo sidii loo sii amba qaadi lahaa doorashooyinka fooda nagu soo haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here