Dowlada Soomaaliya oo shaacisay lacagta ku baxeysa doorashada.

0
140

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay lacagaha ay u qorsheysay dowladda federaalka inay ku bixiso doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan.

Cabdiraxmaan Beyle Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qarashka ku baxaya doorashada dhammaystirkeeda ay ka wada shaqaynayaan beesha caalamka iyo dawladda 27-da bishaan oo ku beegan maalinta bari ah si loo diyaariyo lacagta doorashada oo lagu qiimeeyey illaa 40-milyan oo Doller, islamarkaana dawladdu bixinayso 10% oo u dhiganta 4-milyan oo Doollar, taasoo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-da.

“Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha baaxadda leh ee doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada.”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in dowladu aysan u isticmaali doonin si qaldan lacagaha loogu talo galay qabashada doorashada.

“Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hanaanka maaliyadeed baa diidaya” ayuu yiri wasiir Beyle.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda ayaa xusay in aanu jirin dawlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana uu xusay in xiriirka wada shaqayneed ee Soomaaliyada la leedahay Bankiyada caalamiga ah iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka uu yahay mid wanaagsan. Dhowaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre kana mid ah musharaxiinta madaxweynaha dalka waxa uu sheegay in laga joojiyay dowlada dhaqaalihii ay ka sugeysay beesha caalamka khilaafka ka jira qabashada doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here