Idaacad ay leeyihiin maleeshiyada Shabaab oo lagu duqeeyay deegaanka Kuunya-Barrow.

0
125

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee loyaqaan drone ayaa lagu soo waramayaa in xalay duqeyn ka geysatay deegaanka Kuunya-Barrow ee gobalka Shabbeelaha Hoose oo ka mid ah deeganada ay maleeshiyada Alshabaab ka arrimiso.

Wararka ayaa sheegaya in Duqeyntan lagu bartilmaameedsaday idaacad ay Alshabaab ku lahaayeen deegaankaas iyadoo duqeyntana ay ka dhalatay burbur iyo waxyeelo kale.

Balse majiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo mida Maraykanka oo weerarada duqeynta ka geysanayay sanadihii la soo dhaafay deegaanada ay maleeshiyada Alshabaab ka taliyaan.

Duqeyntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay ciidamada Maraykanka ka fuliyaan gudaha Soomaaliya sanadkan cusub ee 2021.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan haatan markab dagaal oo diyaaradaha xambaara kaasoo la doonayo inuu ka daadgureyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here