Waddanka Uk oo digniin caafimaad oo culus soo saartay.

0
112

Bayaan ay soo saartay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in  suurtagalnimada in toddobaadyada soo socda uu dalku wajaho xaalad caafimaad tii ugu darneyd.

Shaqaale fasaxyo ku maqnaa iyo xanuunka Covid19 noociisa cusub ayeey hay’adaha caafimaadku sheegaan in ay la daalaa dhacayaan fiditaanka xanuunkaas.

Howl-wadeenada dalka iyo Dhakhaatiirta ayaa ka diggay in ay ku adag tahay in Isbitaallada dalku deeqaan bukaannada uu soo ridayo cudurka Covid 19 noociisa cusub 

Dadweynaha ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan feejignaan oo racaan shuruucda ay dowladu dejisay ee lagu xakameynayo.

Tooddobaadkaan oo kaliya waxaa la diiwaan galiyay 55,892 kiis oo cusub, 964 qofna waxaa la sheegay in ay cudurkaan u geeriyoodeen. 

Boqortooyada Britain ayaa ka mid dalalka u saameeyya nooca cusub ee Covid19, waxaana todobaadkii la soo dhaafay uu ku dhacay kumaan ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here