Wiil Dilay Sheekh Caan Ah OO Qur’aan Saarayey (Dhacdo Naxdin Leh)

0
115

Wararka la helayo Magaalo ka tirsan dalka Australia ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed Australian ah oo si weyn loo yaqaanay ahaana Sheekh Caan ah.

Dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sigaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo Melbourbe, isla markaana waxaa dilkaas loo adeegsaday toorey ama Minddi.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed, waxaana la sheegay inuu dilka u geystay Wiil dhalinyaro ah oo uu saarayay Qur’aan, isagoo qeybaha sare ee Jirka ugu dhuftay tooreey uu watay.

“Waxaa dilay wiil dhalinyaro ah oo uu quraan saarayay, markii qur’aan Saarka lagu bilaaway ayuu wiilka dhinaca jikada mindi kasoo qaatay kadib sheekha ayaa isku dayay in uu ka qaado markasuu ku dilay Allaha unaxariisto” ayuu yiri qof ku sugan goobta ay dhacdadu ka dhacay.

Dad Soomaali ah oo ku sugnaa Melbourbe ayaa markii horey gurmad u sameeyay Sheekh Maxamed oo ula cararay Xarun Caafimaad, si loogu daaweyo, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here