Maleeshiyaad hubeysan oo dilay darawal Gaari.

0
283

Maleeshiyaad hubeysan oo aan heebtooda la aqoon ayaa weerar dhaba gal ah ku dilay Nin Oday ahaa oo darawal gaari, xili uu marayay deegaanka Caliyaal oo 18km dhanka Xuduudka ka xiga Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

wadaha la dilay oo Magaciisa lagu sheegay Faadhigo Ibraahim, ayaa ka mid ahaa darawalada caanka ah gobalka Galgaduud islamarkaana  qaadka kasoo qaada dhanka Itoobiya.

Dilka loo geystay wadahaan ayaa waxaa ka soo baxya Warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dableyda hubeysan ay doonayeen inay jaadka dhacaan halka warar kale ay sheegayaan in aano qabiil loo dilay.

Sidoo kale Laamaha Amniga degmada Cabudwaad ayaa weli ka hadlin dilkaas, iyadaoo Darawalada kale ee jaadka ka keena dhinaca itoobiya ay sheegeen inay soo food saartay cabsi xoogan maadaama ay wadadaasi ka shaqeeyaan

Dilalka Darawalada Gaadiidka ayaa kusoo batay gobolada dalka, waxana dhawaan si kala gooni gooni gooni ah dawaliin loogu dilay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaas oo dilkooda uu la xiriiray aanooyin qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here