Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay in ay fasaxday qaadkii laga keeni jiray Kenya

0
191

Dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay in ay dib u fasaxday jaadka Miirowga ee laga keeni jiray dalka Kenya Xilli saacadihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay arrimahaasi.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in hadalkii uu shalay warbaahinta u sheegay si qalad ah loo dhigay, isaga oo aan soo hadal qaadin jaadka laga keeni jiray Kenya oo ay dowladda Soomaaliya joojisay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ujeedkiisa uu ahaa in uu ka jawaabo jaadka hareeriga ee laga keeno dalka Itobiya oo dad badan ay sheegeen in dad gaar ah uu u xiran yahay, waxana uu sheegay in cid walba ay soo dajisan karto.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in cid walba ee dooneysa in jaad ( qaad) dalka keenta ay qaadato rugsada, sidoo kalena uu Canshuurta iska bixiyo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa 11 bilood ka hor joojisay qaadka sababo la xiriira cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay dalka, hayeeshee markii dambe ay sigaar ah u mamnuucday in la keeno Soomaaliya jaadkii ka imaan jiray Kenya halka kan Itoobiya uu si caadi ah dalka u yimaado, taasoo dad badan u fasireen arrimo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here