Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo xalay kulan la qaadaay Guddoomiye Mursal

0
131

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay ku booqdeen hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho.

Isu-imaatinkaan oo ahaa mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka ah ee la galay iyo Arrimo la xiriira doorashada dhaceysa oo lagu heshiin waayay.

Sidoo kale Warar la helayo ayaa sheegaya in musharaxiinta ay Guddoomiye Mursal u sheegeen in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhammaaday muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa, uuna qaato kaalintiisa ku aadan xaaladda dalka, si uusan u dhicin firaaq  dastuuri.

Warar hoose ayaa sheegaya  in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ka biyo diiday dalab ah inuu qaato kaalintiisa Dastuuriga ee dalka, maadaama xalay uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Musharaxiinta ayaa la sheegay in ay dib uga laabteen hoyga uu degan yahay Guddoomiye Maxamed Mursal, isla markaana kormeer ku aaday degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Markii ay ku hungoobeen arrimihii ay guddoomiyaha ka rabeen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay in wixii ka dambeeya 8 bishaan February 2021 aysan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha dowladda Federaalka, kadib markii xalay uu ku ekaa muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ee afarta sanno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here