Guddoomiyaha Barlamaanka Jaamacadda Carabta Oo Taageero U Balan Qaaday Soomaaliya

0
115

Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa soo dhoweeyay shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda uu waqtigoodu dhammaaday ee Soomaaliya ,kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Guddoomiye Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi, ayaa sidoo kale soo dhoweeyay baaqii ka soo yeeray  Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Farmaajo ee ahaa in la qabto wadahadal wadatashi ah bishaan Febraayo 15-keeda iyo 17-keeda, si loo gaaro hishiis loona qabto doorasho, wallow shirkaas uu dib u dhac ku yimid.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta wuxuu ugu baaqaya dhammaan dhinacyada madaxda dalka inay si wax ku ool ah uga qayb-galaan wadahadalkaan oo ay muhiimadda koowaad siiyaan danaha guud ee qaranka , si loo gaaro heshiis qaran oo ballaaran kaasi oo ogolaanaya, qabashada doorashooyinka qaranka sida ugu dhakhsiyaha badan, si kor loogu qaado amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi  ayaa cadeeyay mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku Aadan taageerada dhammaan dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran isaga oo ugu baaqay wadamada carabta inay xoojiyaan furfurnaantooda ayna horumariyaan xiriirkooda Jamhuuriyada Soomaaliya heer kasta iyo dhinac walba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here