Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle oo Muqdisho ka bilaabay xalinta Shaqaaqooyinkii dhacay

0
259

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Madaxweynaha Galmudug oo gelinkii dambe ee shalay  gaaray Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa xalay Hoygooda ku booqday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen mas’uuliyiintan ayaa waxaa uu ahaa mid ku qotomay kala warqaadasho xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maareyn lahaa Marxaladda kala guurka ah ee xilligaan dalku marayo.

Xoggaha isu-imaatinka laga helay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka dalbaday Madaxweynaashii hore iyo ra’iisul Wasaare hore in xaalada la dejiyo, isla markaana sigaar ah looga wada hadlo shaqaaqooyinkii maalmo ka hor dhacay.

Geesta kale Cali Gudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Xassan Sheekh Maxamud, iyaga oo yeeshay kulan gaar ah oo ay uga hadleen arrimo dhowr ah.

Sidoo kale Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in labada mas’uul ay ka wada hadleen Arrimaha Doorshooyinka dalka ee uu weli muranka ka taagan yahay & iyo dajinta Xaaladaha cakiran ee dhashay rabshadihii dhacay.

Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in uu bilaabay doorkiisa ku aadan dhex-dhexaadinta xaaladda taagan iyo sidii looga gudbi lahaa, iyada oo ay xusid mudan tahay in Musharixiinta ay maanta ku dhawaaqeen banaanbaxyo kale.

Maalmo ka hor waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay shaqaaqooyin salka ku haayay dibadbax nabadeed oo ay doonayeen inay dhigaan xubnaha midowga Musharixiinta, hayeeshee Ciidamo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen, sidoo kalena uu dhacay weerar lagu qaaday Hotelka Maa’ida oo ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here