Burcad loo heysto dilka Ganacsato Soomaali ah oo lagu qabtay dalka Koonfur Afrika

0
69

Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Koox Burcad ah, kuwaas oo loo heysto dilka Ganacsato Soomaali ah.

Warsaxafadeed ay soo saareen Booliska Xaafada New  Brighton oo katirsan Magaalada Port Elizabeth , ayaa waxaa lagu sheegay in ay Xireen Saddex Nin oo lagu tuhunsan yahay dilka darawal Taxi Iyo Afar Muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo Dhawaan lagu dilay Magaladaasi PE iyo dhac ay geeysteen.

Taliyaha Saldhigga, New Brighton Colonel Vuyisiwe Temba ayaa baaris dheer ayaa sheegayin baaris dheer oo ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen Sadexa tuhmanayaal ah kuwaasi oo baaritaano xaqiijin ah ay ku sameeynayaan.

Ragan lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen toogashada 4 Dhalnyarada  Soomaalida ah ayaa labo kamid ah waxay ahayeen walaalo waxaana raggan markii hore loo soo qabtay dil ay u geeysteen wade gaari Taxi.

Eedeysanayaasha ayaa la filayaa inay dhawaan ka soo muuqdaan Maxkamadda degmada New Brighton, iyadoo lagu soo oogi doono dacwad dil ah, waxaana Booliska ay sheegeen in aysan ka haridoonin kuwa dilalka u geysta Soomaalida.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dilalka ugu badan loo geystaa Soomaalida, iyada oo laba todobaad ka hor lagu dilay 4 Dhalinyaro ah oo laba kamid ah ay Walaalo ahaayeen, halka mararka qaar dhac loo geysto hantidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here