Sirdoonka Mareykanka oo cadeeyay cidda amartay Dilkii Weriye Jamaal Kashoggi

0
51

Xili uu muran adag ka taagnaa cidda ka danbeysay dilkii bareerka ahaa ee lagula kacay rabbi ha u naxariistee Saxafigii caanka ahaa ahaa Jamaal Khaashuqji ayaa waxaa Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Sirdoonka Mareykanka ayaa Warbixinta ay soo saareen tibaaxaysa in amiirka uu ansixiyay qorshe ah in la soo qabto amaba la dilo weriye Jamaal oo uu saldhiggiisu ahaa waddanka Mareykanka.

Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo iska fogeeyay in uu armay dilka weriyaha.

Wariye Khaashuqji ayaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga Oktoobar 2018.

Rabbi ha u naxariistee Jamaal ayaa ahaa suxufi caan ku ahaa dhaleeceynta iyo dhaliilidda maamulka Sacuudiga.

 “Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khaashuqji,” warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka ayaa sidaas lagu sheegay.

Sidoo kale Qoraalkaan  ayaa waxaa lagu magacaabay shakhsiyaad ku lug lahaa amaba mas’uul ka ahaa dhimashadii Khaashuqji.

CIA Mareykanka ayaa Tan iyo 2018, la sheegayay inay rumaysan tahay in amiirka dhaxalsugaha ah uu amray dilka hasayeeshee eedaha ah inuu ku lug lahaa ayaanay shaacin saraakiisha Mareykanka illaa waqtiga laga soo gaaro.

Joe Biden Madaxweynaha cusub ee waddanka Mareykanka ayaa la filayaa inuu tallaabo ka adag middii uu qaadi jiray Donald Trump ee dhanka xuquuqul insaanka iyo qaanuunka ee waddanka Sucuudi Carabiya, kaasoo ah xulafo muhiim ah oo uu Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.

Dhanka kale Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah ayaa sheegtay in maamulka Biden uu ka baaraandagayo inuu baabi’iyo heshiis dhanka hubka ah oo Sucuudiga lala galay kaasoo walaac dhanka xuquuqda aadanaha keeni kara.

wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudiga ayaa qoraal ka soo baxay gabi ahaanba gaashaanka u daruuray xogta Mareykanka uu ka soo saaray dilkii weriye Jamaal Khashoggi iyada oo oo ku tilmaantay mid fool xumaynaysa sumacdda maamulka Sacuudiga oo aan la aqbali Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here