War murtiyeed laga soo saaray Kulankii Rooble iyo Midowga Musharixiinta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho

0
75

Kaddib isu-imaatinkii labaad ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen wasiirka koowaad ee Xukuumadda uu waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  iyo Midowga Musharixiinta ayaa leysku afgartay labo qoddob.

kulanka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa qoddobada leysku afgartay warbaahinta la wadaagay afhayeenka Xukuumadda uu waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo sheegay in lagu heshiiyay dhismaha Labo Guddi oo kala ah guddi ka shaqeeya qabsoomida dibadbax nabaddeed oo ka dhaca magaalada Muqdisho iyo Guddi kale oo baaritaan ku sameeya dhacdadii 19kii Feberaayo dowladdu isku hortaagtay dibadbax ay soo qabanqaabiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta.

Guddiga koowaad ee qabanqaabada dibadbaxa ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xassan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxamuud Geelle iyo Mustafe Dhuxuloow.

Sidoo kale  guddiga labaad ee baarista dhacdadii 19kii Feberaayo oo u badan saraakiil ciidan waxaa madax u ah Sareeye Guut Bashiir Maxamed Jaamac [Bashiir Goobe]  iyadoo ay xubno ka yihiin  Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji, S Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare,  S Guuto Maxamed Cali Bariise,  G Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud,  Xuseen Macalin Maxamuud

shirkaan oo soo dhammaaday xalay fiidkii ayaa lagu sheegay in leysku afgaratay magacaabistan guddiyadan oo ay Midowga Musharixiinta u arkayeen kuwo muhiim ah.

Mudane Rooble ayaa  faray guddiyadan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gudagalaan shaqooyinka loo idmaday.

Shirarkii is xig xigay ee dhaxmaray Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa u muuqda kuwa meesha ka saaray dareen markii hore ay bulshada Soomaaliyeed ka qabeen waxa ka dhalan kara kala aragti-duwanaashaha dowladda iyo xubnaha mucaaradka tan iyo wixii ka danbeeyay 8dii bishii Feberaayo ee sanadkan oo ku ekeyd mudo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here