Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab

0
75

Xilli dhawaan uu dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo argagixisada AL-shabaab uu ka dhacay Awdheegle ee Goblka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa warar ka soo baxay dowladda Soomaaliya ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay degmada Awdheegle ku dileen Sarkaal ka tirsan maleeshiyada argagixsada Al-shabaab.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Sarkaalka lagu dilay dagaalkaasi lagu magacaabo Xuseen Ganeey uu argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Warbaahinta, waxaana dowladda ay sheegtay in uu kamid ahaa Xubnihii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday degmada Awdheegle.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa Sidoo kale sheegay in Xuseen Ganeey Xubno la socday  oo gaarayay 15 xubood ay dhaawacmeen, halka qaarkood ay dhaawacyadii gaaray u geeriyoodeen.

Al-Shabaab weli wax War ah kama soo saarin warkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ah in Ciidamada dowladda ay dileen hoggaamiye ka tirsan Al-S

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here