In ka badan 400 qoys oo danyar ah oo Kismaayo loogu qaybiyey raashin kala duwan

0
56

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo garoonka diyaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyey wafdi ka socday Dowladda Imaaraadka Carabta kaas oo deeq raashin ah soo gaarsiiyey magaalada Kismaayo.

Maxamed Warsame Darwiish Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo deeqdan ka guddoomay wafdigan ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadceliyey deeqdan ay ku garab istaageen dadka danyarta ah.

Intaasi ka dib deeqdan oo ka koobneyd qaybaha kala duwan ee raashiinka quutul-daruuriga ah ayaa loo qaybiyey in ka badan 400 oo qoys oo danyar ah kuwaas oo ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda dib u dejinta barakacayaasha Jubbaland Maxamed Sheekh Khadar ayaa markii ay qaybineen raashinka la hadlay muuq baahiyaha Jubbaland TV ayaa ka warbixiyay qaybaha ay ka kooban tahay deeqdaan iyo tirada qoysaska la gaarsiiyey

Waxa uu sheegay inuu ku soo aaday xilli ay noogu soo food leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan oo dadka danyarta ah ay u baahnayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here