Qaramada midoobay oo ka shiray is-mariwaaga siyaasadda Soomaaliya

0
143

Wararka laga helayo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in dib loo soo nooleeyo wadahadalladii Afisyooni ee u dhexeeyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo dowlada gobaleedyada, kaddib shir ay warbixin uga dhageysteen wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ay yeesheen Golluhu Ma jirin bayaan guud oo ka soo baxay maadaama shirkan ahaa mid albaabadu u xaran yihiin, hase yeeshee waddamada qaar ayaa soo bandhigay qodobadii shirkaas looga hadlay iyo waxyaabihii ay ka yiraahdeen xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

“Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaay ergada Norway ee Golaha Ammaanka.

Dalka Ireland oo isna ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa diray farriin taa la mid ah, waxaana qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada dalkaas loogu baaqay madaxda Soomaalida inay dib u soo nooleeyaan wadahadalkiii doorashada, lana qabto doorasho loo dhan yahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Danjiraha India ee jimciyadda qaruumaha ka dhaxeysa T. S. Tirumurti ayaa boggiisa Twtitterka soo bandhigay afar qodob oo uu sheegay inuu uga hadlay shirkaas, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; In Dowladda Federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ku soo laabtaan madasha wadahadalka, in la hirgaliyo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo, in caqabadaha siyaasaddu ay dhiirragalinayaan Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah iyo inay soo dhaweynayaan dadaallada midowga Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here