Sare u kac ku yimid qiimaha xoolaha nool ee suuqyada Kismaayo

0
1235

Iyadoo lagu jiro bisha barakesan ee ramadaanka ayaa waxa guud ahaan suuqa hilibka geela laga daremayaa sare u kaac ku yimid hilibka geela oo sababay in uu qaliyow xiliyada roobka.

Inta badan waqtiyada roobabka waxa fogaadaa geela waxuna u guraa meelo ka foga magalada taasina waxey keentaa in uu yaraado geela soo gaaro gudaha magaalada.

neefka geela markii hore qiimo ahaan waxa uu jogay 16 ilaa 20 milyan oo shillin Soomaalia ah, halka haatan uu suuqa ku yimaado 29 milyan markaas kadibna lagu sii iibsado 38 ilaa 40 milyan oo shilin Soomaali ah.

sare u kacan wuxuu keenay in kawaanleyda hilibka geela ay la kulaman caqabado waxana yaraaday geelii la qali jiray maalintii, sidoo kale waxaa sare uu kacay qiimaha hilibka oo kilihii hilibka geela ayaa waxa la gadayaa lacag dhan 200 kun oo shilinka soomaliga ah una dhigta 8 dolar.

Hassan Mohamed haaji oo ka mid ah ganacsatada geela ayaa waxa uu ka warbixiyay ,waxyaabaha keenay sare u kaca.

Gudomiyaha iskashada hilibka geela ee sahan feysal ahmed koronto ayaa dhankisa iiga warbixiyay sameynta ay ku yeelatay kawaanleyda iyo caqabadaha ay la kulaman.

Xilayada roobka ayaa waxa yarado geela la keeno suqayada magalada waana waqtiyada uu saro u kaaco qeymaha geela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here