Deegaanka Deefoow oo tirsan Gobolka Hiiraan oo ay Xiisad dagaal ka taagan degaan

0
203

Deegaanka Deefoow oo dhanka Waqooyiga kaga beegan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay Xiisadan dagaal ka taagan tahay waxaana ay u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in xiisadda ay salka ku heeyso  dadka deegaankaas oo ku kala qeybsamay dhismaha Buundo la sheegay  in  laga dhisayo Wabiga maro deegaanka Deefoow si looga hortago fatahaada Wabiga Shabeelle.

dadka ku nool degaanka Deefoow ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi ballaaran oo ku aadan inay laba maleeshiyo dagaalamaan, kuwaasoo isku hor-fadhiya deegaanka, isla markaana sababi karta inay dagaalamaan.

Dhanka kale Mas’uliyiin kaTirsan Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiye ee Feerfeer ayaa shalay Halkaas tagay, iyaga oo markii dambe kulamo ay laqaateen Odayaasha Labada dhinac aan wax natiijo ah laga gaarin.

Dowlad gobaleedka  Hir-Shabeelle oo la sheegay inay  Cashuureen Dhismaha Buundadan ayaan wali  ka hadlin Xiisad dagaal ee  kataagan degaanka Deefoow taaso Sababi karto Gacan ka hadal dhex-mara labada maleeshiyo Beeleed oo hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here