Isu-taga Yurub oo dhaqaalo siinaya dalal ay ku jirto Soomaaliya

0
266

Guddiga Midowga Europe ayaa ku dhawaaqeen Kaalmo cusub oo la siinayo dalalka Geeska Africa oo ay kujirto Soomaaliya sanadkan 2021-ka maadaama ay sii kordheyso baahiyaha bini’aadanimo.

Janez Lenarčič Madaxa Ururka EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha, waxa uu shaaciyey inay 149 million oo Euro ( €149 million) u qoondeeyeen Kaalamada Samafalka ee la siinayo dalalka Geeska Afrika.

Madaxa Ururka EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha  ayaa tilmaamay inay Malaayiin qof ku dac-daraysan yihiin Geeska Afrika, kuwaasi oo uu sanadkii hore saameeyey Colaado iyo Barakaca, isla markaana ay soo wajahday saddex cabsi oo kala ah Waxyeellada Ayaxa, Isbedelka Cimilada iyo Xanuunka COVID 19.

Gargaarkaan cusub ee loo fidinayo dalalka Geeska Afrika ayaa la sheegay in loo adeegsan doono Taageeradda Nolol-badbaadinta sida Cuntada, Nafaqaynta, Caafimaadka iyo Badbaadada iyo inay Kaalmadaasi si toos ah u gaaran dadka u baahan.

Geesta kale, Madaxa EU-da ugu qaabilsan Arrimaha Maaraynta Xasaradaha, Janez Lenarčič waxa uu xusay in Kaalmada cusub lagu taageeri doono Mashaariicda Samafalka (Humanitarian Projects) ee ka kala socda dalalka Somalia, Djibouti, Sudan, Kenya iyo Uganda.

Dhaqaalaha  loo qoondeeyey dalalkaasi ayaana kala ah:

1- Somalia 42.5million oo EURO (€42.5 million),

2- Djibouti 500,000 oo EURO   (€500,000),

3- Sudan   52 million oo EURO (€52 million),

4- Kenya   14 million oo EURO (€14 million),

5- Uganda 32 million oo EURO (€32 million).

Waxaa intaasi ku dheer 8 million oo EURO (€8 million) oo loo qoondeeyey dadaallada looga hortagayo Khatarta Ayaxa Lama-degaanka ku hayo Beeraha dalalka Geeska Africa.

Bayaanka ka soo baxay Midowga Europe waxaa kaloo horey loogu shaaciyey Kaalmo cusub oo Samafal oo la siiyey Ethiopia iyo South Sudan.

Waddanka Ethiopia waxaa la siiyey 53.7 million oo EURO (€53.7 million), halk dalka South Sudan la siiyey 43.5 million oo EURO (€43.5 million).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here