Ciidanka ilaallada hawada Suuriya oo soo riday gantaallo laga soo tuuray Israaiil

0
416

Ciidanka ilaallada cirka Suuriya ayaa ka hor tagay weerar gantalloo loo adeegsanayo oo uu maamulak Yuhuudda Israaiil ku soo qaaday dhawr goobood oo ku yaala Wuqooyi Galbeed carriage Suuriya kuwaas oo ay kamid tahay magaalo xeebeedka ku teedsan badda Mediterranean-ka ee Latakia sida ay ku soo warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Weerarka yimid 2dii aroornimo ee maalinka Arbacada ah ayay wakaaladda wararka SANA ee dalka Suuriya sheegtay in uu ku dhinrtay 1 ruux halka 6 ruux oo kale oo ay kamid yihiin hooyo iyo wiilkeeda ay ku dhaawacmeen.

Il wareed aan la magic dhabin oo u hadlay militariga Suuriya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan ay dhexda u galeen isla markaana ay soo rideen qaar badan oo kamid ah gataalladii ay ciidanka Yuhuuddu ku soo tureen gudaha dalka Suuriya.

Magaalooyinka kale ee weerarkan lagu bar tilmaameedsaday waxaa kamid ah magaalooyinka Haifa oo ku taal bariga magaalo xeebeedka Latakia iyo magaalada Maysaf oo ku taalla gobolka Xamaa ee carriga Suuriya.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay Israaiil ku soo qaado gudaha Suuriya tan iyo markii ay muddo 2 isbuuc laga joogo ciidammo ku sugan gudaha Suuriya gantaallo ku rideen gudaha dhulka Yuhuudda. Gantaalladan 22kii bisha April ee sanadka laga soo qaaday caasimnadda Suuriya ee Dimishiq ayaa ku dhacay Koonfurta Israaiil taas oo ay ciidanka Yuhuudda kaga jawaabeen in ay weerar ku qaadaan xambaarihii gantaalkan laga soo gamay iyo goobo kale oo ku yaalla caasimadda Suuriya.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda guumaysiga Israaiil ka soo saartay weerarkan u dambeeyay hasayeeshee waxaa isbuucyadii tagay isa soo tarayay hanjabaasdaha ka soo yeedhayay saraakiil Yuhuud ah oo ay ku sheegayeen in ay sii xoojinayaan dagaalka qarsoodiga ah ee ay kula jiraan waxa ay ku tilmaameen milishiyaad Iiraan garab ka helaya oo ku sugan gudaha Suuriya.

Xukuumadda Bashaar Al Asad ayaa taageero xooggan oo aysan wali shaaca ka qaadin hasayeeshee u eg mid aysan Iiraan isku dayaynin in ay qariso ka helaysa xukuumadda Tehran.

Miliishiyaad Iiraan garab ka hela oo ay u wayntahay kooxda Xizbullaah ayaa iyagu gacanta ku haya qaybo badan oo kamid ah dhulalaka dhaca bariga, konfurta iyo konfur galbeed Suuriya iyo sidoo kale tuulooyin ku hareersan caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

Waxay sidoo kale miliishiyaadkan gacanta ku hayaan dhul xadeedka ay Suuriya la wadaagto Lubnaan.

Hadafka uu ciidanka guumaysiga Israaiil ku dhawaaqay in uu ka leeyahay weerarradan uu ka fulinayo gudaha Suuriya ayuu ku sheegay in ay tahay wiiqitaanka saamaynta iyo galaangalka ay Iiraan iyo miliishiyaadka ay taageerto ku leeyihiin gudaha dalka Suuriya hasayeeshee hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa xaqiijinaya in dadka ay saamaynta u xooggan ku yeesheen weerarradan ay yihiin shacabka Suuriya oo ay iyagu dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaadheen weerarradan marba mark aka dambaysa u sii ekaanaya kuwo joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here