Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo guddi u saaray dilkii carruurta ee Baydhabo

0
156

Madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay guddiga baaris ku meel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska carruurtii walaalaha ahaa ee lagu dilay magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidan u dhignayd:

Markuu tixgaliyey:

Muhiimadda ay leedahay in xal kama dambees ah laga gaaro dilka
labada caruur uu magacaabay guddi baaris ku meel gaar ah, kuwaas oo kala ah:

1. Wasiir Maxamed Xuseen Xasan Gudoomiye
2. Wasiir Salax Shariif sayid Cali
Xubin
3. Aadan Cabdulaahi Macalin (Haji Eney)
Xubin
4. Malaq Cali Malaq Xasan Cali Qataar
Xubin
5. Maxamed Sheikh Adan (Bilow)
Xubin
6. Prof Abdisalam Ahmed Malla
Xubin
7. G/Dhexe Maxamed Xuseen Axmed
Xubin
8. Gashanle Ibraahim Cabdulle C/ raxaman
Xubin
9. Gashanle Muse Maxamed Xasan
Xubin

7-dii bishii April ayaa meydka labada carruurta ah oo uu dhalay xildhibaan hore macalin Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana maamulka Koonfur Galbeed uu u qabtay falkaas lix ruux oo la filayo in dhawaan maxkamad la hor keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here