Guddoomiyaha Midowga Afika Oo Ergey Gaar Ah U Soo Magacaabay Arrimaha Doorashada Soomaaliya.

0
138

Mussa Faki Mohammed Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa, ayaa Ergaygiisa khaaska ee Soomaaliya u soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka Ghana, John Dramani Mahama.

John Dramani Mahama Ergayga Khaaska ee Midowga Africa ayaa waxa uu Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya kala shaqeyn doonaa sidii ay u gaari lahaayeen Heshiis xeer jajab ah oo ay wada oggol yihiin, si Doorashooyin wadar-oggol ah loogu qaban lahaa sida ugu dhaqsaha badan.

Mahama ayaa Ciidamada AMISOM ka taageeri doona Waajibaadka shaqo iyo ilaalinta Cod-bixinta Doorashooyinka Soomaaliya.

Ergayga cusub ee John Dramani Mahama oo 62 jir ah ayaa waxaa uu horey u ahaa Madaxweynihii dalka Ghana muddadii u dhexeysay bishii July 24-dii ee sanadkii 2012-kii ilaa bishii January 7-dii ee sanadkii 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here