Maxkamadda ciidanka qalabka sidda oo markale u fariisatay dhageysiga kiiskii Ciise DhagaJuun

0
164

Dhageysiga kiiska dilka ahaa ee horaantii Bishii Janaayo ee sanankan 2021 Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun ayaa waxa ay mar kale ka bilaabatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya

Cabdullaahi Buulo Kameey Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maxkamadda ka horjeediyay cadeymaha loo haayo eedeysanayaasha ku lugta lahaa dilkii Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay baaraha kiiska, waxaana uu Maxkamadda kusoo bandhigay mar kale baaritaanadii ay sameeyeen.

Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo maxkamada Furay ayaa sheegay in maanta ay tahay markii labaad oo la dhageysanaayo Kiiska si uu caddaalad u helo Marxuum Dhagajuun.

21-kii Bishii Janaayo ee sanadkan ayaa Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir dixakiim Cabdiraxmaan Ciise DhagaJuun waxaa lagu dilay Isgoyska loo yaqaan Jid Mareexaan kadib markii Gaariga uu saarnaa ay rasaaseeyeern Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here