Militiriga Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Dalka Uu Ku Wajahan Yahay Gantaalka

0
399

Wararka laga helayo Ilo Milliteri oo Maraykan ah ayaa sheegaya in Gantaalka Shiinaha uu jihadi beelay, lana filayo inuu ku dhaco mid ka mid ah dalalka ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asia.

Wararka ayaa intaa ku daraya inay suuro gal tahay inuu Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 ku dhaco dalka Tajikistan ama dalka kale ee Turkmenistan.

Sidoo kale wararku wax ay sheegayaan in 07-da iyo barka fiidnimo (07:30 PM) ee Xilliga Bartamaha Qaaradda Asia (Abaaraha 11:30 PM ee Xilliga Washington ama 03:30 saqda Dhexe ee Waaberiga Axadda ee magaalladda Dubai) ayaana la filayaa inuu Gantaalkaasi ku habsado mid ka mid ah labadaasi dal.

Dhanka kale Guddiga xaaladda deg-dega ah ee Federalka Suudan ee u qaabilsan Gobalka Waqooyiga dalkaasi ayaa xalay kulan Deg-deg ah ka yeeshay Digniinta ku Aadan inuu Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 ee la xakamayn waayey uu ku habsan doono Gobalkaasi oo u badan Lama-Degaan.

Waxaa heegan buuxa la galiyay Kooxaha Gurmadka iyo Ciidanka Maddaniga ee Gobalkaasi, si ay ula tacaalaan haddii uu Gantaalkaasi ku dhaco Goobaha ay dadku ku badan yihiin ee Gobalkaasi.

Afhayeenka Ciiddamada ee dalka Shiinaha Wan Wenbin ayaa Mar sii horreysay, waxa uu u sheegay Wargeyska Global Times in inta badan Gantaalkaasi uu ku burburi doono Hawada Sare, ka hor inta uusan dhulka ku soo dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here