Xasan Sheekh Iyo Taliyaha Booliska Jen. Xijaar oo ku kulmay Muqdisho?

0
145

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu xalay kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Isu-imaatinka dhexmaray Xasan Sheekh iyo Taliye Xijaar ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Amniga Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho iyo khalalaasihii dhacay ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Mucaaradka.

inta uu socday kulanka labada dhinac ayaa waxaa Sidoo kale looga arrinsaday qorshaha sugida amniga Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada dalka ka dhaceysa.

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh uga mahadceliyay sida wanaagsan ee u qaabilay, kadib markii uu hoygiisa ku booqday.

Taliyaha iyo Xasan ayaa Kulanka dhexmaray waxaa ka qeyb galay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Afhayeenka Ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe.

Ugu danbeyn shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalintii shalay aheyd Magaalada Muqdisho isaga baxeen Ciidamada Milateriga ee kasoo horjeeday muddo kordhintii loo sameeyay Farmaajo, sidoo kalena goobihii ay ku sugnaayeen lagu wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here