Farmaajo oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed?

0
162

Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha uu muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya oo kulan kula qaatay aqalka Madaxtooyada qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha.

Aqalka madaxtooyada ayaa warka  kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu tilmaamay in Dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay garab xooggan ugu yihiin Dowladda fidinta adeegyada aas-aasiga ah, joogteynta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, Barnaamijkii Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumihii danta guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyaga oo wakhtiyada adagna safka hore kaga jira gurmadka iyo samatabixinta dalkeenna. Dareenkiinna waddaniyadeed iyo doorkiina samafal waa mid ay idiin ogyihiiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Ganacsatada ayaa Dhankooda u faah faahiyey Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya saamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu.

Isu-imaatinkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xilgarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here