Shiinaha oo ka hadlay sida lagu burburiyay Gantaalka

0
213

Wararka eynu ka heleyno waddanka Shiinaha ayaa sheegaya in Warbaahinta dalkaasi ay shaacisay in lagu guuleystay in la burburiyo gantaalkii Long March 5B Y2, kaasi oo maalmahan jahwareer coogan shakiyey.

Gantaalka waxaa lagu burburiyey, xilli uu marayey Badda Carbeed (Arabian Sea), xagal ahaan 72.47° Bari, iyo 2.65° Waqooyi.

Wararku waxay intaa ku darayaan inuu Gantaalka ku dhacay meel ku dhow Jesiirada Maldevis ee ku dhex taallo Badweynta Hindiya.

Qeybo la mid ah burburka Gantaalka Shiinaha ee Long March 5B Y2 waxa uu ku burburay K/Galbeed ee dalka Hindiya iyo dalka Sri Lanka.

Dhinaca kale, Milliteriga Maraykanka waxay xaqiijiyeen burburka Gantaalkaasi,  balse ma aysan caddaynin halka uu ku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here